Somaliland: “Gobolka Gabiley iyo Hawd waxaa lagu Ansixinayaa Gobolnimadooda Tirada dadka kasoo Baxa”

0

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mida Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland islamarkaana kasoo jeeda gobolka Gabiley ayaa baaqa u diray Gobolada Gabiley iyo Hawd.

Xildhibaanku waxaa uu bulshada goboladaasi ugu baaqay inay is diwaangaliyaan si loo ansixiyo Gobolnimadooda oo aan imika Golaha wakiiladu ansixin.

Xildhibaan Xasan Cawaale waxaa uu sheegay in Gobolnimada lagu qiimeyn doono tirada  bulshada iska diwaangalisay gobol walba.

“Labada gobol ee diwaangalintu ka bilaabantay waxaa lagu ansixinayaa oo lagu hirgalinayaa, gobol ahaan loogu ictiraafayaa tirada dadka kasoo baxda, markaa waxaan leeyahay labadaasi gobol waa inay si fiican oo nidaam leh isku diwaangaliyaan.”

Comments

comments