Puntland: oo ku dhawaaqey guddigii doorashooyinka Puntland

175

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey qayb kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.  Nidaamkii horey loogu soo magacaabey guddigii la kala direy sanadkii 2013 ayaa ahaa 5 uu soo magacaabey Madaxweynuhu iyo afar uu soo magacaabey guddoomiyaha Baarlamaankii xiligaas.

Guddigan ayaa noqonaya mid kumeel-gaar ah inkasta oo aan wareegtada Madaxweynaha lagu sheegin, waxaana guddiga doorashada ee rasmiga ah wax ku yeelanaya Xisbiyada Siyaasadeed ee la dhisi doono kuwa ku guulesyta doorashooyinka goloyaasha deegaanka sida uu qabo Dastuurka Puntland, qodobkiis 112.

Xubnaha uu magacaabey Madaxweynaha ayaa qaarkood yihiin kuwo si weyn looga yaqaano deegaanada Puntland sida Weriyihii hore Axmed Kismaayo, Cabdullaahi Cali Qood iyo Maxamuud Soofe.

Hoos ka akhriso liiska guddiga doorashooyinka Puntland

Xeer Madaxweyne Lr.15, February 14,  2016, kuna saabsan Magcaabid Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

Comments

comments