Somaliland: Xisbiga Kulmiye Oo Daba Ordaye Garabka Isbahaysiga Iyo Iska Caabinta Isbahaysiga Lo Han Weynayahay

146

Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa shaaca ka qaaday wadahadalo u bilaabmay Garabkii ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee Xisbigaasi ku doortay musharaxa madaxwayne Iyo Ku xigeen.

Xoghaye Xasan Siciid waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan garabkaasi ka biyo diiday sidii loo maamulay shirkaas isagoo carabka ku dhuftay inay u hogaansamaan sharciga xisbiga Kulmiye,

Xoghayuhu waxaa kale oo uu  sheegay in ay  bilaambeen wadahadalo u dhaxeeya xubnihii iska casilay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo  iyo garabkii uu hogaaminayay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

“Wadahadalo dadban iyo kuwo toos ahi way jiraan, mana aha rajo xun waana la heshiiyaa, Annaga Xisbi ahaan mabdi’iyan waxaa nagu waajiba inaanu ragaasi soo dhaweyno, la hadalno, gogosha u fidino, wixii la tabanayana laga wadahadlo”ayuu yidhi

Xoghaye guud ee Kulmiye waxaa uu intaasi ku ladhey  “Waxaa waajib  in loo hogaansamo Shuruucda kasoo baxday shirkii xisbiga, Anniga, iyaga iyo cidwalba oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, Xisbiga qofkii ka tagay ee meel kale tagayaa isagay u taalaa oo cidna lama khasbayo”

Isbahaysiga isbadaldoonka Kulmiye ayaa hore u sheegay inay la hadlayaan hogaanka xisbigaasi hadii ay ku celinayaan shirkii golaha dhexe ee xisbigu qabsaday bishoo 11 ee sanadkii hore.

Geesta kale, garabka isbadaldoonka KULMIYE ayaan ka hadal dhawaaqan kasoo yeedhay xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ku sheegay in wadahadal u furmay.

Comments

comments