Xeebta Bada Turkiga Oo Soo Tuftay maydadka Caruur Ya Yar Oo Tahriibayaal Ahayd+Sawiro

126

Dad tahriibayaal ah oo shalay ay dooni kula degtay xeeb kutaala dalka Turkiga, ayaa maydadkoodii laga heley xeebta Lesbos ee u dhaxeysa dalalka Giriirgga iyo Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay halkaasi kusoo caaryeen meydadka dad tahriibayaal ah ay ku jiraan caruur aad u da’yar.

Dooni yar ay saarnaayeen in ka badan 100-qof oo u badnaa tahriibayaal u dhashay dalka Siiriya ayaa waxaa la degtay doontii ay saarnaayeen iyaga oo marayay biyaha dalka Turkiga gaar ahaan meel ku dhaw jasiiradda Lesbos.

Waxaana inta la ogyahay ku dhintay 33-qof ay ku jiraan caruur aad u da’yar kuwaas oo medadkooda ay badda soo caarisay, waxaa sidoo kale la bad baadiyay 75-qof, halka dad gaadhaya 20-qof oo kalena wali biyaha lagu la’yahay.

t a h r

Comments

comments