Thierry Henry Oo Ugu Baaqay Man United In Jose Mourinho Uu U Bedelo Tababare Louis van Gaal.

333

Thierry Henry ayaa ugu baaqay Manchester United inay Jose Mourinho ku bedesho tababaraha cadaadiska uu saaran yahay Jose Mourinho dhamaadka xilli ciyaareedkan.

United ayaa haatan kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka Premier League waxa ay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leicester City, halka cadaadiska uu ku sii kordhayo Van Gaal kaasoo lagu dhaleeceeyo weerar la’aanta kooxdiisa.

Mourinho ayaa weli shaqo la’aan ah ka dib markii ay Chelsea ceryisay bishii December, waxaana xiddigii hore ee Arsenal uu aaminsan yahay in loo baahan yahay isbedel si United ay horumar u sameyso.

 

“Kooxda waxa ay la ooyayaan inay guulo gaaraan, Mourinho ayaana taasi balanqaadi kara iskana ilow wax walba oo ka dhacay Chelsea xilli ciyaareedkan” ayuu Henry ku qoray maqaalkiisa jariirada The Sun.

“Mourinho weli waa tababare cajiib ah, United waa inay wax uun sameysaa sababtoo ah Louis van Gaal arinkiisa ma shaqeynayo.

“Haddii Manchester City ay hesho Pep Guardiola, islaamrkaana Chelsea ay hesho midkood Diego Simeone ama Jorge Sampaoli taasoo dhici karta xagaagan, United waa inay jawaab celin ka sameysaa. Sida ay haatan yihiin kuma socon karaan.”

“Taageerayaasha qaar ayaa doonaya in haatanba la ceyriyo Van Gaal, waana dadka ugu danbeyn go’aan ka gaari doona mustaqbalkiisa”

Comments

comments