Syria: Mucaaradka oo dalbadey in la siidaayo maxaabiista ka xiran, ka hor wada hadalka

127

Ururada macaaradka ah ee dalka Siiriya ayaa keeney ayaa keeney shardi cusub iyada oo maalintii shalay uu furmey wadahadalka nabadda. Mucaaradka ayaa dalabaday in la sii daayo kumaankun qof oo u xiran Xukuumadda Bashar Al-Assad, oo ay ka mid yihiin haween aad u badan kuwaas oo caruur ku dhalay xabsiyada mudadii ay xirnaayeen, si loo helo kalsooni ay ku geli karaan wada xaajoodka nabadda ee Qaramada Midoobey dhex-dhexaadineyso ee ka furmaya Geneva.

Sida laga soo xiganayo ilo Siiriyaan iyo reer Galbeed ah waxaa maanta oo Sabti ah la sii dayey 177 maxabiis u ahaa Bashar al-Assad kuwaas oo lagu wareejiyey ergayga Qaramada Midoobey Staffan de Mistura.

Mucaaradka ayaa dalbanaya in la sii daayo dad ku dhaw 3000 oo qof oo ay ka mid yihiin 700 o qof oo ku xiran Deraa, magaalada u weyn Koonfurta dalka Siiriya.

Wada hadalka nabadda ee Siiriya ayaa bilowdey maalintii shalay ee Jimacada, waxaana la isku dayayaa in la soo afjaro dagaalka shanta sano qaatey ee dalka Siiriya, inkasta oo rajada la qabaa ay tahay mid aad u yar oo dalal kala duwan ay ku heradamayaan siyaasadda Siiriya.

Comments

comments