Somaliland: Ujeedka Safar Madaxwayne Siilaanyo ugu Baxay Gobolada Berriga Somaliland

137

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka safar ugu baxay Gobolada Berriga Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo waxa safarkiisa ku wehelinayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, afhayeenka madaxtooyada, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo xubno kale.

Afhayeen madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr Cige oo warbaahinta kula hadlay qolka martida ee magaalada Berbera waxaa uu ka warbixiyay safarka Madaxwaynaha waxaanu yidhi “Maanta madaxwaynaha Somaliland waxaa uu safar ku marayaa gobolada berri ee dalka Jamhuuriyada Somaliland, madaxwayne Siilaanyo waa madaxwaynihii ugu socodka badnaa si uu uga qarqabo hawlaha qaranka, baahiyaha bulshada iyo arrimaha umadu guud ahaan siday u socdaan dalka gudihiisa” ayuu yidhi

Weftigan uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo ee maanta u baxay safarka ay ku marayaan gobolada beriga Somaliland ayaa la filayaa inay ka qayb galaan xuska sanad guurada ciidanka qaranka oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Oog.

 

Comments

comments