RASMI: Kabtanka Chelsea Ee John Terry Oo Shaaca Ka Qaaday In Waayihiisii Ciyaareed Ee Stamford Bridge Uu Soo Gabgabayn Doono Dhamaadka Xili CIyaareedkan Isaga Oo Blues Ku Edeeyay In Ay Heshiiska Kooxda Uu Kula Sii Joogi Lahaa U Kordhin Waayeen

149

kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa shaaca ka qaaday in waayihiisii ciyaareed ee Stamford Bridge uu soo gabagabayn doono dhamaadka xili ciyaareedkan.Heshiiska uu John Terry kula jiro Blues ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan, wuxuuna Terry go’aansaday in uu xagaaga ka bixi doono Chelsea.

John Terry ayaa cadeeyay in Blues ayna heshiiska u cusboonaysiin doonin marka uu dhamaadka xili ciyaareedkan dhaco heshiiska uu hadda kula joogo kooxda ree London, wuxuuna si cad u sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii dheeraa ee uu ka soo ciyaarayay Stamford Bridge.Terry ayaa cadeeyay in uu doonayay sidii uu Chelsea ugu sii nagaan lahaa balse ayn Blues doonayn in ay hehsiiska u kordhiso.Terry ayaa waayihiisa ciyaaareed oo dhan ku soo qaatay Chelsea isaga oo kooxda kula soo guulaystay afar koob oo horyaalka Ingiriiska ah, afar koob oo FA Cupka ah, Saddex koob oo Capital One Cupka ah iyo min hal oo Champions leaque-ga iyo Europa Leaque ah, laakiin Terry ayaan ciyaaraha ka fadhiisan doonin balse kuma biiri doono koox horyaalka Ingiriiska ah si uu kooxdiisa Blues ixtiraam ugu muujiyo.

John Terry oo 14 koob kula soo guulaystay Chelsea ayaa buugaagta Chelsea ku jiray tan iyo markii ay da’diisu ahayd 14 sano jirka isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee Chelsea u ciyaaray sanadkii 1998 kii markaas oo ay da’diisu ahayd 17 sano jir. Sanadkii 2004 kii ayuu Jose Mourinho kabtanka Chelsea ka dhigay Terry, wuuxuna 35 jirkani uu hadda ka bixi doonaa koox uu waqti dheer maaliyadeeda soo difaacay.

Terry ayaa yidhi: “Waxay sheegeen in marka uu tababare cusubi yimaado ay wax isbadali karaan, ilaa hadda waxba ismay badalin, anigu waxaan doonaa in aan hadda ogaado sida aan bisha January markasta sameeyo, waxayna mararka qaar qaadataa ilaa laba bilood in la dhameeyo. Nasiib daro waxay noqotay maya, ma aha dhamaad cadaalad ah, anigu ma doonayo in aan ciyaaraha kaga fadhiisto Chelsea, waxaan doonayaa in aan meel kale aado, taas oo igu qaadan doonta laba maalmood in aan ku dhamaystiro”.ayuu Terry ku sharaxay bixitaankiisa Chelsea.

Terry oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Laakiin sidii aan sheegay ka hor kulankii Arsenal anigu waan ogaa, anigu ma doonayo in badhigayga, sida aan tababarka u qaato iyo waxa aan kooxda siiyaa ay isbadalaan. Waxaan doonayaa in aan waxkasta kooxda siiyo si ay halka ugu saraysa ugu dhamaysato oo aan xili ciyaareed fiican kooxda la qaato”.

Intaa kadib ayuu Terry sheegay in aanu jirin ciyaartoy kooxda ku waari doonaa isla markaana ay kooxdu sii socon doonto wuxuuna yidhi: “Kooxdu way sii socon doontaa, ma jiro ciyaartoy waligii kooxda ka wayni, anigu waxaan jeclaa in aan kooxda sii joogo, laakiin kooxda ayaa jaho kale u socota. Wax shaki ahi kuma jiro in ay la soo saxiixan doonaan laba ama hal difaac dhexe oo fiican, waxaan doonayaa in aan sanada soo socda Chelsea ugu soo laabto aniga oo taageero u ah oo wata caruurtayda. Waxa uu noqon doonaa sanadkaygii ugu danbeeyay, waxaanan doonayaa in aanu halka ugu saraysa gaadhno”.

Terry-2 Terry1-1-638x359 Tery

Comments

comments