Greece: Tahriibayaal badan oo ku dhintay dooni ku gadoontay badan Turkiga

145

Ugu yaraan 33 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween ayaa subaxnimadii Sabtida ku dhintay bada u dhaxeysa Turkiga iyo jasiiradaha dalka Giriiga.

Telefishinka dalka Turkiga ayaa sheegay in ciidamada bada ee wadankaasi ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 75 qof.

Doonida gadoontay ayaa la sheegay inay ka baxday gobalka Kanakkale (Canakkale) ee Turkiga, waxayna kusii jeeday jasiirada Lesbos ee wadanka Giriiga.

Bilihii lasoo dhaafay ayey sii badanayeen tirada dadka ku dhimanaya doonyaha Tahriibta ee ka yimaada wadanka Turkiga, waxayna hada gaarayaan 250 qof tirada bishan Janaayo oo kaliya ku dhintay badda (Aegean Sea) ee u dhaxeysa wadamada Giriiga iyo Turkiga.

Comments

comments