RASMI: Guddida Rafcaanlayaasha FIFA Oo Ganaaxii Suuqa Laga Saaray Kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid Dib Udhigtay Iyo Kooxaha Reel Madrid Oo War Fiican Helay

126

Guddida rafcaanlayaasha xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA ayaa dib  udhigtay ganaaxii kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid dhawaan lagu soo rogay, waxayna arintani war fiican u tahay kooxaha caasimada Madrid ku xifiltama oo xagaaga awoodi doona in ay suuqa si buuxda u gali doonaan.Halkan ayaad ka akhrisan kartaa ganaaxii ay FIFA kooxaha Madrid ku soo rogtay.

Horaantii bishan January ayay FIFA kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ku soo rogtay ganaax laba xili suuq ah laakiin kooxaha Madrid ka dhisan ayaa go’aankaas rafcaan uga qaatay guddida FIFA ee rafcaanka qaabilsan, waxayna guddidani ay dib udhigtay ganaaxa ay FIFA ku soo rogtay Real Madrid iyo Atletico Madrid, waxaana warkan si rasmi ah u cadeyay kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.

War saxaafada loogu talo galay oo lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Real Madrid waxay ku dhawaaqday in guddida rafcaanlayaasha FIFA ay go’aansadeen in si ku meel gaadh ah loo hakiyo ganaaxii kooxda lagu soo rogay”.

Sidoo kale kooxda Atletico Madrid ayaa barteeda twitterka ku soo qortay: “Guddida rafcaanlayaasha FIFA waxa ay si ku meel gaadh ah u hakiyeen ganaaxii suuqa, halka rafcaankii kooxdu uu xaliyay”. Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa heli doona fursadii ay Barcelona ku badbaaday markii laba xili suuq laga ganaaxay sanadkii 2014 kii waxayna kooxaha ree Madrid ay xagaaga la soo saxiixan doonaan ciyaartoyda ay uga baahan yihiin suuqa.

Comments

comments