Somaliland: Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal kaga Yimi Dawlada Somalia

120
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.
Wareysi uu siiyey VOA, ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Soomaalida ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor waxaana uu yidhi.
”. Somaliland iyo Soomaaliya isku shuqul may ahayn iyaga Maxmiyadii Talyaniga ayay ahaayeen marbaa midaw dhacay kiina Somaliland way ka Noqotay marka waxaan qabaa in hadalkaasi yahay mid nacasnimo ah.”Ayuu yidhi Wasiir Warancadde
Wasiirka oo la waydiiyay waxay u saarayaan Ajaanibka u dhashay Soomaaliya maadama oo ay masuuliyiinta Somaliland sitaan Baasaboorka Soomaaliya wuxuu kaga jawaabay sida tan.
” Basaaboorka Soomaaliya ma sito anigoo ah Wasiirka arrimaha gudaha maqaato mana taabto waanan necbahay, Waxaanu adduunka oo dhan kumarnaa Baasaboorka Somaliland kaas ayuu adduunku noo aqoonsan yahay” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

 

Comments

comments