Sweden: Oo Dub U Celinaysa Tiradii ugu Badnayd ee Qaxootu Magan galyo Doon ah oo Dalkeeda Ku Sugan

130

Dowlada Sweden ayaa lagu wadaa in ay dalkeeda ka Saarto ilaa iyo 80,000 oo Qof oo magan galyo doon ah, ka Dib marki codsiyadoodii qaxootinimada la diiday. Sarkaal Sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Anders Ygeman ayaa sheegay in diyaarado lagu daabuli doono dadkaan, waxaana tallaabadani ay socon doontaa muddo sanada ah sida uu hadalkiisa ku sheegay. “Waxaanu ka hadleynaa dad gaadhaya 60,000 balse tirada waxaa ay gaadhi doontaa 80,000,” ayuu yidhi Mr Ygeman oo la hadlay warbaahinta dalka Sweden. Sanadi lasoo dhaafay ee 2015 oo qudha waxaa dalkasi magan galyo weydiistay ilaa iyo 163,000 oo qaxooti ah, waxaa lagu sheegaa tiradi ugu badneyd ee dal Yurub ah iska dhiibta marka laga reebo Dalka jarmalka oo isagu tiradaa aad uga badan . Sanadki hore waxaa la eegay kiiska 57 kun oo ruux, waxaana laga aqbalay 55%. Inkasta oo aanan la sheegin dalalka ay u dhasheen qaxootigaan, ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ku jiri doonaan qaxootiga Soomaalida ee iyagu aanan wali la aqbalin.

Comments

comments