Somaliya: Faah-faahin ku saabsan go’aanka Dowladda federaalkuee Doorashada 2016

126
Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud (C) walks out after attending Sudan's President Omar Hassan al-Bashir (not pictured) inauguration ceremony at National Assembly in Omdurman, June 2, 2015. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soosaartey war-murtiyeed lagu qeexayo qaabka ay noqoneyso doorashooyinka 2016. Kadib shir gaar ah oo Maamul goboleedyada iyo Dwoadda federaalku Soomaalidu ku yeesheen Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen ergooyin ka socda beesha Caalamka.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in doorashadu ku dhici doonto xiligeedi wax muddo kororsi la yiraahdona aysan jiri donin. Iiyada oo aysan jirin wax heshiis rasmi ah uusan ka soo bixin shirarkii hore oo ay madaxdu yeesheen, ayay Dowladda Soomaaliya oo xil ka saaran sidii doorasho loo gaarsiin lahaa dalka sanadkan waxay soo saartay soo jeedimo dhowr ah oo ku aaddan hannaanka doorasho, sida War murtiyeedka lagu qeexay.

War Muriyeedka ayaa lagu sheegay in la dhisayo aqalka sare iyo kan hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu kala saleyn doono hab maamuleed iyo nidaamnka beelaha ee afar iyo bar.

Aaqalka sare ayaa ayaa loo qaybiyey lix Dowlad Goboleed oo afar kamid ah la siiyey midkiiba 8 Xildhibaan, halka Puntland iyo Somaliland midkiiba la siiyey 11 Xildhibaan, waxaana tirada guud ee Aqalka sare noqoneysaa 54 Xildhibaan. Tirada dheeraadka ah ee la si yey Puntland iyo Somaliland ayaa lagu sheegey in maamuladaasi ay ka koban yihiin gobolo ka badan kuwa kale muddo dheerna soo jireen, sida lagu sheegay War murtiyeedka.

Qoondada Haweenka ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka in ay heli doonaan 30% tirada Xildhibaanada, sida ku cad heshiisyadii Garoowe1 iyo Garoowe2.

War murriyeedka waxaa so dhaweeyey beesha caalamka oo u horeeyo ergayga Qaramada Midoobey. Sidoo kale waxaan wax hadal ah ka keenin maamul goboleedyada, marka laga reebo Puntland oo mar kale wadatashi dib ula soo noqoneysa

Comments

comments