Somalia: Madaxweynaha Puntland: “Shacabka Puntland ayaanu talo ula laabanaynaa” – Dhegayso

553

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo Arbaca shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu galabta Xarunta Villa Soomaaliya kaga qayb galay shir gaar ah oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo wakiillo meteleyey Besha Caalamka.

Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib shirkii jaraa’id  ku qabtay madaxtooyada kaga hadlay go’aankii ay dawladda federaalku gaartey kaas oo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulidoono habka awood qaybsiga beelaha ee ee 4.5, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono hab maamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogu dari doono midkiiba saddex xubnood oo dheeraad ah, go’aankaas oo beesha caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in go’aanka ay gaadhey Dawladda Federaalka  ee ku saabsan geeddi socodka Doorashooyinka 2016-ka aanu ahayn mid ay gebi ahaanba Puntland aqbalayso.

“…Waxaan rabaa halkaan inaan  ka caddeeyo anigoo ku hadlaya magaca Puntland in aanan aqbalayn go’aankaas, Cabdiweli ahaan aniga oo ah Madaxweyinihii Puntland, aanu   ahayn go’aankaasi mid ay ii soo wakiisheen shacabka Puntland, aniguna rabitaankooda ayaan ku shaqaynayaa” ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad isku dan ah islamarkaana isku baahi ah oo doonay inay gaaraan horumar iyo caddaalad balse waxa mustaqbalkooda hortaagni uu yahay nidaamka qabiilka ee 4.5 kaas oo aafeeyey horumarkii iyo helitaanka dawladnimadii soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geba-gebadii tilmaamay in uu talada ku celin doono shacabka reer Puntland maadaama ay  iyagu  yihiin cidda iskale go’aanka kama dambaysta ah.

Comments

comments