Somaliya: Xarakada Al-shabaab oo la wareegtay Fadhiisimadii Ciidammada Kenya ee Gobollada Jubadda Hoose iyo Gedo

121

Xoogag ka tirsan Al-shabaab, ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay Shalay isaga baxeen ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Shacabka ku nool degmada ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla badhtamaha degmadaas, iyadoo ay Hadallo u jeediyeen Xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Dadka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

Faarax Haybe Macallin oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland oo ku sugnaa Badhaadhe ayaa u sheegay VOA-da in Ciidamadooda iyo kuwa Dalka Kenya ee Qaybta ka ahaa AMISOM ay amar la siiyay kaga baxeen degmadaas.

Sidoo kale, shacabka ku nool degmada Badhaadhe ayaa warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyay inay degmada soo galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii ay ciidamadii Kenya ee AMISOM iyo kuwii maamulka Jubbaland ay isaga baxeen degmadaas Subaxdii hore ee Shalay..

Al-shabaab ayaa Warbixino ay dhigeen Baraha Internet-ka ee Taageera waxay ku sheegeen inay si buuxda ula Wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Kenya iyo kuwii Jubbaland.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa xustay inay sidoo kale Shalay la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay Ciidamadii ka socday Kenya iyaguna habeen hore saqdii dhexe isaga baxeen.

Ugu dambeyn, degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 180-km u jirta Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa ku lahaa saldhig saddexdii sano ee la soo dhaafay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Comments

comments