Somaliya: Dowladda Federaalka oo go’aan kasoo saartay Shirka madasha wadatashiga

135

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo beriyahan uu ka socday shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay arrimaha doorashada ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka soo saartay go’aan ah in Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka beelaha ama 4.5.

Go’aankan oo ah mid dabada uu si toos ah uga riixayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud oo garab ka helaya maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ayaa ilo xog ogaal ah sheegayan in markii dambe taageereen xubnaha beesha caalamka.

Aqalka sare ee Baarlamaanka ayay Dowladdu sheegtay in lagu soo xuli doono Dowlad goboleedyo.

Xassan Shiikh ayaa maanta ka maqna shirka kadib markii uu u duulay dalka Kenya si uu uga qaybgalo baroordiiq loo sameynayay askarta Kenya ee lagu dilay gobolka Gedo.

Madaxweynaha Puntland Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka ay soo saartay dowladda Federaalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in Puntland aysan ku raacsanayn oo talada u celin doonaan shacabka u metelo.

Comments

comments