Somalia: Shir gaar ah oo Madasha Wadatashiga Qaran Muqdisho uga furmay

157

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Xasan Shiikh MAxamuud ayaa gelinkii danbe ee Isniinta ka furay magaalada Muqdisho shir gaar ah oo ay isuygu yimaadeen Madaxda Dowladda federaalka ah iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid gaar ah. Shirka waxaa kale oo ka soo qaybgaley, qaar kamid ah golaha xukuumadda iyo Xildhibaano.

Shirkan oo lagu sheegay in uu yahay mid gaar ah, ayaa daba socda shirkii Kismaayo ee natiijo la’aanta soo dhamaadey 17 Janaayo 2016.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

Muhimadda shirka ayaa ah in la gaaro go’aamo dhex-dhexaad u noqon kara dhamaan dhinacyada Soomaalida, ka hor inta aan la isugu imaan shirweyne ay ka soo qayb galaan dhamaan eregooyinka kaas oo lagu saxiixayo go’aanka la qaato.

Doodu waxay ka taagan tahay:

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka 2016 – 2020, ma waxaa lagu soo xulayaa qaabkii 4.5, mise waxaa lagu soo dooran qaab deegaan ah?.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo markii u horeysey la samaynaayo, ma Dowlad goboleedyo ayey ku imaan, mise sida lagu qoray Dastuurka ayaa lagu qaybsan 18 Gobol.

madasha 20161266358936898951907362016125635893206145428217Shirka_Wadatashiga_Qaran

Comments

comments