Madaxweyne: “Aan Dunida Ku Tababarno Sida Fudud Ee Looga Guulaysto Musuqa.”Qalinka:Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-xoog) Q. 1aad

151

Soomaalida badankeedu marka dhinac laga eego xaaraan culus uma taqaan boobka hanti la wada leeyahay, gaar ahaan ta dawladda. Waxaan is-leeyahay waxa u sabab ah dhaqankoodii hore oo aanay ku jirin xoolo la yidhaa ha la wada ilaashado dadkay ka dhexeeyaan e’; waxay se yaqaanneen xoolahaaga ilaasho. Waxaan sidaa u leeyahay had iyo jeer waxaad arkaysaa in inta badan bulshadu

 

inteeda u mudan gaar ahaan, ay madaxda dawladda ka codsanayaan in qof mushahar dawladeed qaata la geeyo meel wax laga lunsan karo, waxa kaloo aad arkaysaa iyaga oo hareeraha ka socda mid la wada og yahay in aanu beerrey reebayn oo xil qaran la doonaya.

Markii xilka-qaran la ii magacaabay ayaan u guuray guri fooq ah, waxaan u haystay in kirada guryaha Wasiirrada dawladdu bixiso, illeyn sidaaba ma aha e’ miisaaniyaddaba kuma jirto kiro guri, nasiib wanaagse waxaan shaqaysan jirey subaxa hore 5:30- 7:30. Waxan xasuustaa qof qaraabadayda ah oo inta uu gurigii cusbaa igu soo booqday igu yidhi waa in aad kaas oo kale ka dhisataa. Xumaantayda ma rabin qofkaasi isaga aragtidiisa, laakiin wuxuu is-lahaa taagga yaanay talo seegin. Markii xilka la iga qaadayna qaar baa lahaa waar bagaa la eryey is-na wax kama qabsan innagana wax inoogama qaban e’.

Had iyo jeer waxaad arkaysaa xafiisyada Wasiirrada oo la hor dhooban yahay, dadkaasi badidoodu waa shaxaad-tag, kama rabaan jeebka Wasiirka waxay se rabaan in lacag ama shidaal Wasaaraddaasi leedahay laga siiyo, waxaana u soo gudba xafiiska Wasiirka inta haybad iyo waji ay ku soo dhaafaan leh xog-haynta iyo askariga xafiisyada qaaarkood hor taagan. Arrintaasi waxay marar badan kelliftaa in Wasiirradu xafiisyadooda ka meeraystaan, halkaasna ay ka dhalato shaqo-xumo oo iyana ah qodob musuq-maasuqa ka mid ah. Madaxweyne  Axmed Maxamuud laftiisa mar uu  ahaa Wasiirka Maaliyadda ayaa  maalin ii yeedhay waxaanu iga codsaday in aan wadnihiisa baadho. Markii aan u sheegay in uu wadnihiisu fiican yahayna, wuxu aniga iyo ninkii ii geeyey noo sheeegay in ay shakiga wadna-xanuunka ku abuurtay naxdinta subax walba joogtada ah ee ay sababto hor-fadhiga ay xafiiska u sii hor fadhiyaan dadka intii ugu mudnayd ee aad inankaaga curad siin lahayd oo markaa waxaan la tahli karin doonaya.

Dhinac kale markaana ka eego waxaan is-leeyahay in badan ayaa aamminsan in xilalka sare ee qaranku ay yihiin kuwo loo tago si hantida qaranka looga hodmo, dad badan oo bukaannada xidhiidhka ila leh ah ama dadka ehelkooda ah ee wadaa waxay igu yidhaahdaan shaqadaadan baa kaaga wanaagsan, waxaan dareemaa in ay igala xishoodeen iimaan la’aan baa ku haysee adoo shaqo xalaal ah oo kugu filan haysta maxaad u doonatay meel wax laga lunsanayo, dadka kale ee aan waxba hayn waaba loogu garaabayaaye. Dadka qaar waan isku dayaa in aan qanciyo, qaarna waxaan si gaaban u idhaa waa run. Fikradahaa qaldan ee aan kor ku soo sheegay waxay u baahan yihiin in bushadu dib isaga saxdo hadday rabto dawlad wanaagsan, waayo dawladdu dadka ayay ka timaaddaa.

Aan ku soo dhawaado ujeeddada maqaalkaygan oo ay igu dhalisay khudbaddii distuuriga ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey labada Gole- qaran 11/01/2016. Mar uu ka hadlayey eedaynta mucaaradku ku eedeeyo dawladdiisa musuqa, wuxu yidhi:

“Mudanayaal iyo Marwooyin, musuq-maasuqa iyo maamul-xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya horumarka, himilooyinka, hannaanka- dawladnimo ee qaran higsanayo. Sidaa darteed, xukuumaddaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabar-goyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas. Waxaan aaminsanahay in hadaladdaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.”

Waa yahay, bal hadda aan dib inoogu yara celiyo khudbaddiisii ugu horraysay ee dastuuriga ahayd ee 2011kii. Wuxu yidhi, Madaxweynuhu:

“Mudanayaal iyo Marwooyin, waxan jecelahay in aan khudbaddayda maanta ku soo bandhigo muddadii gaabnayd ee aan xilka hayey caqabadihii xukuumaddaydu la kulantay, wixii u qabsoomay  iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay qabato sannadkan cusub ee 2011ka.

Duruufaha aanu dhaxalnay:

Hadaba, si aad u fahantaan arrimahan waxaan marka hore dul-mar kooban ku samaynayaa duruufaha adag ee maamulkayga la kawsaday:

Khasnad madhan oo ay dul hoganayaan deymo xad-dhaaf ah oo dhan 70 billyan oo shillinka Somaliland ah una dhiganta 12 million oo doollar. lacagtaas oo isugu jirtay:

· Afar bilood oo mushahar ah oo aanay shaqaaluhu qaadan,

· Kharash dowladeed sida: shidaal, dayac-tir, is-gaadhsiin, nal, biyo iwm oo aan la bixinin. Taas oo ay dheereyd lacagtii dalka u taallay Baanka Dhexe oo dhan in ku dhaw kow iyo toban bilyan oo shilin (Sl.Sh:10,916,443,202) iyo in ka badan laba milyan oo doollar ($2,002,864), oo la waayey. Duruufahaa adagi waxay shaqaalaha dhaxalsiiyeen in aanay shaqayn wax ka badan 3

saacadood maalintii. Waxa intaa dheeraa maamul-xumo, musuq-maasuq baahsan, kala-danbeyn la’aan ragaadisey habsami-u-socodka hawlaha Qaranka.

· Waxaanu dhaxalnay hantidii danta guud oo la xalaashaday. Haddaba si aannu wax  uga qabanno maamul-xumadaa iyo musuq-maasuqaa baahsan, Hanti Dhawrka Qaranka waxaanu siinnay awood buuxda iyo madax-bannaani ay meel walba ku baadhi karaan. Sidaas oo kale waxaanu abuuray Guddida Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa oo iyana aanu awood buuxda siinay.”

Haddaba musuqaa iyo maamul-xumadaa uu Madaxweynuhu ku sheegay in uu dhaxlay khudbaddiisii dastuuriga ahayd ee koowaad isla markaana uu tilmaamay sidii uu wax uga qaban doono, Madaxweynuhu dib uguma soo hadal- qaadin, waxa uga qabsoomay iyo waxaan uga qabsoominba, khudbadihiisii dastuuriga ahaa ee 2012kii, 2013kii, 2014kii iyo 2015kii. Khudbaddan 2016ka qudheeda waxa soo hadal-qaadkiisa kelliftey madax-xanuunka hadallada mucaaridka ee ku wajahan musuqa.  Sidaa darteed kol haddii aan la inoo sheegin wixii laga qabtay iyo la-dagaallanka musuqa inta xabsi u gashay ama ku xil- wayday, waxay u ekaanaysaa in musuqu noqday shaydaan la naaray markay dawladda Kulmiye timidba, waaryaadha waa nimanka, waxaasaa buurud ah! Oo maxay ahayd dabayshaa caafimaad ee inna martay? Hadda shaqaalaha iyo madaxdooduba waa kuwii hore u joogay ee malaa’iig lama keenin, waxa la beddelay uun waa Agaasimayaaashii Guud iyo Wasiirradii oo badankoodu ka ilka kulul kuwii hore, marka laga reebo in faro-ku-tiris ah oo xalaal ah oo aan  dhigoodba la heli karin oo qaarna weli joogaan qaarna ka tegeen.

Hawl yar-yari! Ma sidaas dhibta yar ayaa dagaal musuq-maasuq looga guulaystaa? Oo dagaalka musuqu sanqadh yaraa! Hadday run tahay in sidaa fudud dawladdu ugu guulaysatay aafadan caalamiga ah ee haysata dunida horumartay iyo ta higsanaysaba, waxay ila tahay in aynu dunida ‘siminaar’ u furno illeyn guulaha la tijaabiyey waa la wadaagaaye. La Soco….

Comments

comments