kenya: Ciidamada Kenya oo baneeyey saldhigyo ay ku lahaayeen Jubaland

172

Wararka laga helaayo Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay maanta ka baxeen laba saldhig oo ay ku lahaayeen Ceel-cadde ee gobolka Gedo iyo Badhaadhe ee Jubada Hoose.

Saldhigga Ceel-Cadde ayaa ahaa halkii koox ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku heleen ciidamada Kenya isla markaan ay la wareegeen dhamaan saldhigga iyo wixii yaaley, iyada oo ciidamada Kenya ee halkaas ku sugnaa ay ka badbaadeen wax yar. Ciidamada Kenya ayaa dib u qabsadey Ceel-cadde maalmo kadib iyaga oo baadi goobaya askartoodi.

Wararku waxay sheegayaan in al-Shabaab ay isla maanta gudaha u galeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose. Sidoo kale waxaa ciidamada al-Shabaab lagu arkay tuulada Ceel-cadde oo ku dhaw degmada Garbahaarey.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horey ugu adkeystey, kadib markii weerarkii Ceel-cadde in aysan ciidamadooda kala soo baxayn Soomaaliya. Ciidamada ka baxay Saldhigyadaas ayaan la ogeyn halka ay saldhigyada cusub ka dhigteen, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ka talaabeen xuduudka.

Comments

comments