Somaliland: Wasiirka Arrimaha Guddaha Ee Somaliland Oo Sheegay Inu Saari Doono Ajaanibaka Iyo Qaxoontiga Somaliya Oo Dhan Kan Jawaabay Fadara..

236
Cali Maxamed Warancade - Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya Ethiopia
Cali Maxamed Warancade - Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya Ethiopia

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay arrin ay maalmahan hadal haynteedu ku badatay bulshada reer Somaliland dhexdeeda oo ahayd in dadka ajaanibta ah ee la saarayo ay ku jiraan  dadka qaxoontiga ah ee u dhashay Somaliya.

Wasiirka  arrimaha gudaha Cali Warancade waxaa uu sheegay in muwaadiniinta Soomaalida ee qaxoontiga ku ah Somaliland loo sameynayo sharci ay ku joogaan dalka.

“ Horta Somalia waanu kala go’nay laba dawladood oo saaxiib ah baanu noqonay, ninka Somaliya u dhashay waa in uu sharci ku joogo Somaliland Taasi mooyaane dhibaato kale oo loo gaysanayaa majirto, toddoba cisho oo loo qabtayna ma jirto ee bilbaa loo qabtay bishaa in ay isku diwaan galiyaan gobolkastana waxa aanu ka furnay xafiis diwaan-galiya waxaana la siinayaa sharci ay ku daganaadaan sida qofka Somalilander-ka ahba uu u leeyahay sharci iyo dhalasho ayaa isaguna uu u yeelanayaa sharci uu ku joogo”ayuu yidhi Cali Waramcade oo u waramey BBCda.

Xukuumada ayaa hore u sheegtay in muwaadiniinta Somaliya ay sharci ku joogaan Somaliland maadaama ay Somaliland iyo Somaliya yihiin laba dal oo jaara, Balse dawlada Federaalka Somaliya oo sheegta in Somaliland ka mid tahay Somaliya ayaan ilaa imika ka hadal qorshahan xukuumada Somaliland ku diwaangalinayso qaxoontiga somalida ee kasoo barakacay dhulka dagaaladu aafeeyeen somaliya

Comments

comments