Somaliland: Ciidammadda Xeebaha Somaliland Oo Samato-bixiyay Tahriibeyaal Itoobiyaan AH

151

“Nin Isaguba Dibad Meer Ahi Somaliland Waxba Yeeli Maayo Hadalkiisu, Diiwaan-gelintuna Waxay Sanaag Uga Dhacaysaa Tuulo-tuullo”

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Cabdi Falaay,ayaa sheegay inay 71 qof oo tahriibeyaal Itoobiyaan ah ka soo badbaadiyeen markii dooni ay ku tahriibayeen oo ay ka soo raaceen xeebta Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay kula xumaatay badda. Waxa kale oo uu sheegay in 11 qof oo dhintay ay aaseen isla markaana ay la tacaalayaan sidii dabiibka dadka la soo samato bixiyay ee tahriibeyaasha ah. Tahriibeyaashan ayaa la sheegay inay u sii jeedeen dalka Yeman.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay hadal ka soo yeedhay Cali Khaliif Gaaydh oo sheegay in aanay diiwaan gelinta codbisiyeyaashu ka qabsoomayn gobolka Sanaag iyo deegaamo kale oo uu sheegtayy in uu ka taliyo isagu.

Guddoomiye Axmed Cabdi Falaay oo isagoo ku sugan degmada Maydh ee Gobolka Sanaag oo ay keeneen dadkii doonta ay ka soo badbaadiyeen u waramay Wargayska DAWAN, ayaa ugu horrayn isagoo ka hadlaya tirada dadka ay nolol ku soo badbaadiyeen iyo kuwa dhintay waxa uu yidhi “Tirada aanu imika nolol ku haynaa waa 71 Ruux iyo 11 Dhimasho ah oo aanu aasnay. waxaa kale oo ay noo sheegeen in tiro kale oo ay Badda ku tureen kooxda Tahriibiyeyaasha ah ee dadkan ka ganacsanaysay oo gacanta lagu soo dhigay. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland,ayaa markii ugu horraysay arkay Doonta oo Badda Sabbaynasa oo ku xumaatay isla markaana u gurmaday waxaanay ka soo baddaadiyeen dadkan oo tiradoodu dhan tahay inta imika nool 71 qof Iyo Saddex Naakhuudeyaashii Doonta ah ee dadka Tahriibiyay oo isku dayay in ay baxsadaan oo la soo qabtay imikana xidhan Iyo 11 Mayd ah oo aanu aasnay.”

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay halka ay imika(Xalay) ku sugan yihiin ee ay dadkaa la soo samato bixiyay ay ku hayaan iyo gurmadka ay u fidiyeen,waxaanu yidhi “ Waxaanu ku suganahay oo aanu hadda joognaa dadkiina la keenay degmada Maydh imikaa waxaanu ku gudo jirnaa in aanu u qeybino busteyaal ,dawooyin iyo cunto dadkanina muddo ayay badda ku jireen markaa dadkani aad ayay u jilicsan yihiin waxaanay xaaladoodu isugu jirtaa kuwo aad u dhibaataysan oo xanuunsanaya iyo qaar ladan. Waxaanay imika xaaladoodu culus tahay illaa labaataneey ruux.”
Mar uu Guddoomiyuhu ka jawaabayay su’aal ahayd dadka Tahriibeyaasha ah ee eay soo badbaadiyeen dalalka ay u kala dhasheen, waxa uu ydihi “Dhamaantood waxay u dhasheen dalka Itoobiya, waxaanay ka tahriibayeen oo ay doontan badda laga soo badbaadiyay ay ka raaceen magaalada Boosaaso waana la ogyahay in deegaanada Puntland laga ganacsado Tahriibta. laakiin nasiib wanaag waxay ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo ahaa kuwii tariibinayay ee Doonta lahaa ee dhagartan geystay dadkana way laayeen oo ugu yaraan dhawr iyo labaatan qof oo kale ayay badda ku tureen siday noo sheegeen tahriibayaashu gacan ku dhiigleyaashaasina way xidhan yihiin sharciga ayaanan hor keenaynaa.”

Ugu dambayn Axmed Cabdi Falaay,waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dagaal ooge Cali Khaliif oo sheegtay in deegaamo ka tirsan gobollada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle in aanay ka qabsoomayn diiwaan gelinta Codbixiyeyaashu.
“Anigu waxaan masuul ka ahay oo aan ka hadlayaa waa gobolka Sanaag,gobolka aan Guddoomiyaha ka ahay dhammaantii heer degmo illaa tuullo-tuullo ayay uga qabsoomaysaa diiwaan gelinta codbixiyeyaashu isla markaana ay ugu diyaar garoobeen dadwaynuhu. markaa Cali Khaliif gobolka Sanaag waxba laga waydiin maayo gobolka dawlad ayaa ka jirta horena uga jirtay kana jiraysa waligeed. waana deegaan Somaliland nin isaguba dibad meer ah oo tiisiiba aan meel ay nabad ugu hoyato aan haysan oo habeenba meeshuu gaadhaa hoy u tahay Somaliland waxba yeeli maayo hadalkiisu,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

Comments

comments