Rasmi: Adnan Januzaj Oo Dib Uga Soo Laabtay Kooxdiisa Kadib Lix Bilood Oo Musiibo Aheyd Uu Amaahda Kula Joogo Dortmund

159

Adnan Januzaj ayaa maant dib ugu soo laabtay kooxdiisa Man United kadib lix bilood oo musiibo aheyd uu ku qaatay kooxda ree jarmal ee Borrussia Dortmund oo ku ciyaarta garoonka Signal Iduna Park.

Inkastoo heshiiska amaahda ah oo halkaasii uu ku joogi lahaa ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkaan hadana kooxda United ayaa garwaaqsatay in da´yarkooda uusan wax fursad ah ka helin kooxda ree jarmal kadib markii uu kaliya hal kulan oo Bundesliga ah ku bilowda dhamaan qeybtii koowaad ee xili ciyaareedk

Januzaj

Taas ayaan keentay in xidigaan iyo kooxda Old Trafford ka dhisan ay codsadaan in la masaxo heshiiska sanadaka ah uu ku joogi laha adalka jarmalka taas oo ay aqbasha Dortmund xidiga ayana haatan si rasmi ah ugu soo laabtay kooxdiisa Man United.

Dhawaan ayeey aheyd markii xidigaan lagu sawiray Old Trafford isago ciyaar la dawaanay xidigaha ka dhaawacan kooxdaasi ee Jesse Lingard, Paddy McNair iyo Sam Johnstone oo ay dhamaan kazoo wada bexeen kuliyada kooxda United.

War Rasmi ah oo lagu daabaay boga United ayaa lagu yiri “Man Uited waxa cadeneysaa in ay kala heshiisay Borussia Dortmund masixitaanka heshiiskii amaahda ahaa ee Adnan Januzaj, Adnan wayaa sida ugu dhaqsiyha badan kooxda koowaad dib ula midoobi doona, wuxuu ugu soo laabtay Manchester si wax waliba loo cadeeyo”

Comments

comments