Somaliland: Nuxurka Qodobo Ka Soo Baxay Shir Xukuumadda iyo Beel Gobolka Sool Degta Ku Dhexmaray Caynabo

131

Weftigii ka koobnaa xubnaha golaha wasiirada oo howlaha shaqo u jooga gobolka saraar xaruntiisa caynabo ayaa shalay booqday shirwaynaha beesha Baharsame  oo maalmahanba ka socday duleedka magaalada Caynabo.

Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada, howlaha guud iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kalluumaysiga oo safar shaqo ku joogay magaalada caynabo.

Shirkan qodobadii ka soo baxay waxa warbaahinta u akhriyay wasiirkii hore ee caafimaadka xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Axmed Xasan Casoowe“Shir ay isugu yimaadeen weftiga xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayna ka mid yihiin wasiirada Madaxtooyadda, Dibu-dejinta iyo wasiir ku-xigeenka kalluumaysigga, cuqaasha, odayaasha iyo , waxgaradka  Beesha Baharsame oo uu hoggaaminayo Raage Garaad Cabdiqani Jaamac Garaad Cali.

“Waxa lagu heshiiyay qodobaddan soo socda

  1. In qaranimadda Somaliland la wadda ilaaliyo, lagana wadda shaqeeyo taabo galinteeda iyo meel marinteeda
  2. In amniga gobolka deegaanka beesha iyo guud ahaan baa dalka la wadda xoojiyo, beesha iyo xukuumaduna qolo waliba ka qaadato doorka ay ku leedahay,
  3. In arrimaha bulshadda sida; caafimaadka, waxbarashada, biyaha, deegaanka ay beeshu degto dawladu si hagarliya wax uga qabto.
  4. In maamulka dawliga ah iyo amniga lagu fidiyo deegaanka beeshu degto.
  5. In laga wadda shaqeeyo isku xidhka nabadaynta iyo walaalaynta walaalaha derisyada ah iyo guud ahaan beelaha Somaliland
  6. Arrimo gaar ah oo beeshu si gaar ah uga tabanaysay xukuumaddan, waa la isaga garaabay, waa laga heshiiyay, waana laga balamay

Sidoo kale, odayaasha iyo isimadda koonfurta Sool, qaar ka mid ah cuqaasha gobolka Saraar iyo badhasaabka gobolka iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa si waddajir ah u soo dhaweeyay qodobaddan midho-dhalka ah ee ka soo baxay shirkan.

Maxamuud Cabdi Maxamuud “Saxaafadda waxaanu u sheegayna Somaliland in aanu ka heshiinay halkii siyaasadda”

“Somaliland waanu ka heshiinay halkii siyaasadda, halkii horumarka, halkii nabadgalyadda.”

“Haddii ay afartii wasiir yimaadeen aad iyo aad baanu culayska u saarnay oo ay beeshii la shireen oo ay wax wadda qaateen guul baanu leenahay. Somaliland nabadgalyadda, ka shaqaynta beelaha dhexdooda in aanu u nahay diyaar.”

Wasiir Warancadde “In aynu nahay ummad is dhashay, isu dhaxday, isu dhaqan ah oo isu dal iyo isu diin ah. Dunida wax yar baa garta nimcadu ilaahay siiyay iyo waxay isu yihiin, ilaahay wuxuu inaga dhigay kuwii wanaaga garta iyo waxay isu-yihiin ilaahaybaynu maanta taa ugu mahadnaqaynaa. Bulshadda reer Somaliland ee na maqlaysa ee aynu madaxda iyo odayaasha u nahay inay qaadan doonnaan gudoonka madaxdooda iyo madaxdhaqameedkooda, oo waxaa lagu waddahadlay iyo go’aamadda halka laga qaatay ay qaadan doonaan insha alla la iskanna ilaabi doonno wixii horre u dhacay.”Ayuu yidhi Warancadde

Comments

comments