USA: Laba Wariye Oo Lagu Toogtay Virginia Iyagoo Si Toosa ah U Baahinaaya Waraysi iyo Dilkooda oo Dood dhaliyay

127

Weerarkii Arbacadii shalay lagu dilay labo suxufi oo u shaqeeya telefishinka WDBJ7 ee CBS dalkaasi Maraykanka ayaa dib usoo nooleeyey dooda xoogan ee ka taagan hubka ku jira gacanta shacabka Maraykanka.

Wariye iyo Sawirqaade (Cameraman) ayaa ku dhintay weerarka ka dhacay magaalada Moneta ee gobalka Virginia, xili ay si toos ah war u tabinayeen. Weerarkan ayaa waxaa geystay nin horey uga shaqeyn jiray Telefishinkaasi oo dhawaan shaqada laga eryey.

Labada suxufi ayaa u dhintay rasaasta halka haweenay kale oo ay wareysi ka qaadayeen ay soo gaareen dhaawacyo. Ninka falkan geystay ayaa isaguna is dilay intaan ciidamada Booliiska ah qaban.

Ninkaasi ayaa qoraalo uu internetka ku faafiyey ku sheegay in si cunsurinimo ah looga eryey telefishinka WDBJ7 oo in muddo ah usoo shaqeenayey. Wuxuu sidoo kale intuusan is dilin internetka ku faafiyey filim uu ka duubay siduu u toogtay labada suxufi oo ay horey u wada shaqeyn jireen.

Dhacdadan ayaa markale keentay in si weyn looga doodo hubka loo ogolyahay inay qaataan dadka shacabka ah ee ku nool dalka Maraykanka oo ay sanad walba ka dhacaan kumanaan dil ah oo inta badan loo adeegsado hub si sharci ah lagu bixiyey.

Baarlamaanka Maraykanka oo cadaadis xoogan ka saaran yahay dhanka shirkadaha hubka soo saara iyo kuwa u ololeeya ayaan marnaba meesha keenin in sharuuc laga soo saaro hubka, waxayna ku doodaan in qodobka 2aad ee Dastuurka Maraykanka uu u fasaxayo shacabka inay hub heysan karaan.

Madaxweyne Barack Obama ayaa marar badan isku dayey inuu sharciyo kasoo saaro hubka balse wuxuu sheegay inay caqabad ku yihiin Xildhibaanada oo aan dooneyn inay sharciyo noocaan ah ansixiyaan.

Comments

comments