South Sudan: Salva Kiir oo Saxiixay Heshiiskii Nabada ee u Dhaxeeya Xukuumadiisa iyo Mucaaridka

259

Madaxweynaha Sudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa arbacadii shalay saxiixay heshiiska nabada ee u dhaxeeya dowlada iyo Mucaaridka uu hogaamiyo Riek Machar.

Salva Kiir ayaa todobaadkii hore diiday inuu saxiixo heshiiska, kadib markii hogaamiyaha Mucaaridka Riek Machar uu saxiixay qorshaha nabadeynta ee dalkaasi, wuxuuna Salva Kiir xiligaasi sheegay inuu u baahan yahay wakhti dheeraad ah oo uu ka fekaro saxiixa heshiiskan.

Golaha Amaanka ayaa sheegay Isniintii inay ku heshiiyeen dhaqan gelinta Cunaqabateyn la saari doono Salva Kiir iyo dowladiisa bilowga bisha soo socota ee September hadii uu heshiiskaasi saxiixo waayo, arrintaasi oo ku khasabtay Salva Kiir inuu si khasab ah u saxiixo heshiiska maalinimadii shalay.

Khubarada la socota dagaalka Sudaanta Koonfureed ayaa sheegay in heshiiskan la saxiixay aysan fileyn inuu soo afjari doono dagaalka, maadaama Jeneraalo kamid ah mucaaridka ay iyagu sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan, sidoo kalena dhanka dowlada aysan ku qanacsaneyn heshiiskan, balse saxiixa heshiiskan ayaa ah mid dib u dhigaya cunaqabateyntii la filayey in Qaramada Midoobay kusoo rogto dalkaasi.

Comments

comments