Libiya: Kumaankun qof oo laga soo badbaadiyey Badda Cad maalin gudaheed

120
epa04186845 An image made available on 30 April 2014 shows migrants being rescued during operation 'Mare Nostrum' in the southern Mediterranean sea off the Italian coast, 29 April 2014. The Mare Nostrum ('Our Sea') mission started in October following two fatal shipwrecks - one near Lampedusa, Italy's southernmost point, and the other in Maltese waters - in which more than 400 people died. The Mediterranean boat patrols credited for saving tens of thousands of migrants' lives may have to be stopped, an Italian government official suggested, because they were encouraging more people to embark on dangerous sea crossings. EPA/GIUSEPPE LAMI

Qiyaastii dad gaaraya 3 000 kun oo qof oo doonaayey in ay tahriib ku tagaan qaaradda Yurub ayaa laga soo badbaadiyey Badda Cad, (Mediterranean sea) toban hawlgalood oo la qaadey maalintii shalay ee Arbacada, sidaas waxaa sheegay ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka Talyaaniga.

Hay’addaha badaadinta ee ka shaqeyneysa Badda cad ayaa sheegtey in dad gaaraya 55 qof ay ku geeriyoodey muddadii hawlgalku socdey.

Badi dadka ku geeriyoodey maalintii shalay Badda cad ayaa laga heley iyaga oo dul saaran alwaax doonta ay ka jabsadeen meel ku dhaw xeebaha Liibiya, isla doontaas ayaa laga soo badbaadiyey 450 qof oo nool.

Doonta dadku ku geeriyoodey waxaa kuwa badbaadey soo qaadey Markab laga lee yahay dalka Sweden ‘Poseiden’, dadkaan badankiis ayaa dib loogu celiyey xeebaha Liibiya.

Waxaa wararku sheegayaan in dad ka badan boqolaal kun ay ku sugan yihiin xeebaha Waqooyiga Afrika gaar ahaan dalka Liibiya kuwaas oo doonaya in ay garaan Yurub ka hor xilliga qaboobaha. Waxaa kor u kacay dadka ku geeriyoodey safarka Badda Cad, sidoo kale Midowga Yurub ayaa kor u qaadey ilaalinta xeebahooda.

Comments

comments