Somaliland: Xukuumadda oo Sheegtay in aysan EU-du ka bixin Dalka, Mucaaridkana u soo jiidisay eedaymo kulul

220

“Haddii Ha’yaduhu Dumbuluq Degaan Ma Waxay Mucaaridka ula Muuqataa In Dalka ka Baxeen?”.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay in aanay jirin wax Ha’yado caalamiya oo Somaliland ka baxay, waxase uu xisbiyadda mucaaridka ah ku eedeeyay inay ka xun yihiin in Ha’yadaha samo-falku ay xafiisyadoodu noqdaan koonfurta magaalada Hargeysa.

“Ha’yadaha qarramada midoobay ha noqoto ama kuwa ina caawiya oo midowga yurub ugu horeeyo ha noqdaane oo wax weyn Somaliland tara dalka way dagan yihiin oo xasilooni ayay ku degan yihiin muddo dheer ayay deganaayeen, waxa jirta in xafiisyadaasi qaarkood halka ay ka degan yihiin qandaraaskii ay ugu jireen guryaha uu dhammaaday oo xafiisyo kale ay samaysanayaan waxa ay u qaateen xafiisyadii kale ee ay u wareegeen oo u badan agagaarka Huteelka Ambassador ee koofurta Hargeysa, ayay yidhaahdeen mucaaridkii dalkii ayaa laga baxay. waar haddii la tago Dumbuluq ma waxa ay idiinla muuqataa in dalkii laga baxay. Waxay arrintani la mid tahay sidii aad hore aad u tidhaahdeen markii madaxweynuhu goboladda bari tagay, waxa uu ka baxay wadankii,”Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta qaranka la hadlay.

Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu ugu baaqay xisbiyadda mucaaridka ah in ay la shir yimaadaan barnaamij cad oo ay kula tartamayaan xukuumadda, hase yeeshee aanu qorshahoodu noqon mid ku salaysan aflagaado aan maangal ahayn, waxaanu yidhi “Waxa runtii aan cambaaraynaynaa kuwa xumaynaya dalka ee haddana sheeganaya xisbiyo mucaarid ah. waar ka daaya dalka sidan oo barnaamij siyaasadeed oo aad xukuumadda kula tartantaan keena.”

Mr, Dhuxul waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka fulisay mashaariic waaweyn oo horumarineed oo saamayn togan ku yeeshay dawladnimadda Somaliland, waxaanu xusay inay awooda saartay adeegyadda Waxbarashadda, caafimaadka iyo waddooyinka.

Comments

comments