Madaxweyne Silaanyo oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Saddex Qof oo ku Dhintay Shil baabuur

101

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen
1. Marxuum Weli Daa’uud Cigaal (masuul sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)
2. Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo
3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments

comments