Shirkada Dahabshiil oo si weyn sacabka loogu tumay kaalinta ay kagajirto shaqaalasiinta Dhalinyaradda

228

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey Bandhigga Carwada 8aad oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada iyada oo la kaashanaysa Hay’adaha Save the Children iyo SOOS ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hagreysa.Munaasibadda xafladdan Bandhigga Carwadan oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey abaabulkeeda waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Islaaamiic Saylici,wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada,wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha Bulshada,wasiirka Xanaanada Xoolaha,wasiirka Madaxtooyada,wasiirka Deegaaka iyo reer miyiga,wasiir ku xigeenka qarshaynta,sharkadaha Dahabshiil,Telesom,Somcable iyo qaarkale.

Furitaankii xafladaasi waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Mr Maxamed Faarax waxaanu ka waramay u jeedada loo qabray Bandhiggan Carwawada waxaanu sheegay inay ujeedadu tahay sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada ka soo qalinjabisay Jaamacadaha dalka isla markaan loo jahayn lahaa “ujeedada aanu ka leenahay qabashada Carwadani waxaaweeye in shaqo loo abuuri dhalinyarada ka soo baxaysa Jaamacadaha” ayuu yidhi Mr Faarax.

Madaxa xafiiska shaqaalaha shirkadda weyn ee Dahabshiil Axmed Faarax Jaamac oo xafladdaa ka hadlay waxa uu ka waramay hawlaha ay  shirkadda Dahabshiil u haysto guud ahaan bulshada ku hadashay afka Somaliga gobalkay  doonaanba hajoogaan e,MrFaarax waxa uu sheegay shaqaalaha u shaqeeya Dahabshiil inaysan ahayn dad ajaanib ah ama meelo kale kayimid balse ay-yihiin muwaadiniintii dalka u dhalatay ee waliba Jaamacadaha gudaha dalka ka soo baxay hadii ay jiraan waxyar oo kalena ay yihiin isla muwaadiniinta dibadaha ka soo qalinjabiyey oo dalka dib ugu soo laabtay.

“annagu ka Dahabshiil ahaan dadka aanu shaqaalaysiino maaha kuwa ajaanib ah oo meelo kale kayimid balse waa dadkii gudaha dalka wax ku soo bartay hadii ay waxyar oo kale jiraana waa  isla muwaadiniintii dalka ee ka soo qalinjabiyey Jaamacadaha dalka dibaddiisa ah” ayuu yidhi Mr Axmed Faarax Jaamac.

Mar uu ka hadlayey tirada shaqaalaha ushaqeeya Dahabshiil Group waxa uu sheegay  inay gaadhayaan ilaa 6000 oo qof kuwaas oo isugujira Rag iyo Dumar u badan dhalinyaro wax soo bararay  oo haysta shahaadooyin kaladuwan oo muujinaya khibradahooda aqooneed ee ay leeyihiin “shaqaalaha u shaqeeya Dahabshiil waxa dhanyiin ilaa 6000 oo qof” ayuu yidhi Axmed Faarax Jaamac.

Intii ay socotay xafladdaasi indhuhu waxay qabanayeen dadaweyne farabadan oo ku xoonsan goobaha ay shirkadaha Dahashiil Group ka daganyihiin hoolka Bandhigga Cawradaasi kuwaas ii qaadanayey adeeggyada kaladuwan ee ay shirkaddu ku soo bandhigtay madasha carwadaasi sida adeegga E Dahabka iyo internetka xawaaraha dheer ee ay shirkaddu caanka ku tahay  gaar ahaan FLASH-yada 4G ga.

Shirkadda Dahabshiil waxaa si weyn loogu sacbiyey markuu madaxa xafiiska shaqaalaha shirkaddu ku dhawaaqay inaysan dadka ajaanibta ahi ku  badnayn shaqaalaha Dhabshiil balse ay dhamaantoodba yihiin waddaniyiin dalka Somali ah haddii ay jiraan shakhsiyaad kalana ay yihiin kuwo looga maarmiwaayey xirfadahooda gaarkaah oo aanay garanayn kuwa Somaliyeed.

Comments

comments