Somalia: Al shabaab oo Dishay Taliye ku Xigeenka Ciidamada Amaanka Baydhabo

546

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Caawa nin hubaysan uu dilay taliye ku xigeenkii Baydhabo Col. Cali Salaad.

Toogashada taliyaha ayaa dhacday xili uu ku sugnaa afaafka saldhiga Baydhabo oo ay ku wada sugnaayeen Taliyaha saldhiga iyo ciidamada amaanka.

Ninka diley Taliye ku xigeenka ayaa ciidamada boolisku ku dileen goob aan ka fogay saldhiga xili uu baxsad ahaa.

Qof goob jooga ah oo ku sugan Baydhabo ayaa saxaafadda u sheegay in goobta dilka ka dhacay ay tahay goob saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta iyo nabadoonada ku shaaxeeyaan xiliga galabtii iyo habeenkii amaankeeduna yahay mid aad u sugan.

Weli laamaha amaanka iyo maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin dilka Taliye ku xigeenka, Dhanka kale Ciidamada Amaanka Baydhabo ayaa isla caawaba howl galo baaritaan ka bilaabay magaalada.

Ururka Al shabaab ayaa horay gudaha Baydhabo uga fuliyey dilal qorshaysan oo ay la beegsadeen siyaasiyiin, Nabadoono iyo Wariyaal, waxayna sidoo kale ka fuliyeen Qaraxyo iyo weeraro dad lagu dilay.

Comments

comments