Somalia: Xukuumadda oo xulafada u ogolaatay hawada iyo badeedda

125

Dawladda federaalka ayaa ogolaatay in dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya loo adeegsan karo weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yeman.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ku xaqiijiyey go’aankaasi.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ay diyaariyeen guddi si gaar ah ula socda xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yeman iyo wixii laga yeeli lahaa xaaladooda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo wareystay wasiirka ayaa marka hore weydiiyay sababta ay u taageereen xulafada uu Sacuudiga horkacayo ee duqeynta ka wada Yemen.

Comments

comments