Burcad-badeeda oo dad ka mid ah haraadigii gacantooda ku harey sii daayey

thailand_men

Burcadbadeeda ka hwwl geli jirtey  Koonfurta Mudug ayaa sii daayey afar qof oo muddo  shan sano gacantooda ku jirey, kuwaas oo ay ku qabsadeen Markab la yiraahdo FV Prantalay sanadkii bishii Febaraayo 2010.

2015227635606180724749770112

Afarta badmaax ayaa u dashey dalka Thailand, waxaana muddada dheer lagu haystey  deegaanada Koonfurta Mudug ee maamulka Galmudug. hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan la dagaalanka Daroogada iyo Denbiyada ee United Nations Office on Drugs and Crime ayaa door weyn ka qaadatey sii deynta dadkaan lagu soo beegey siideyntooda markii ay u buuxsantey 5 sano.

Burcadbadeeda ayaa la sheegayaa in ay qaateen lacag ku dhaw nus malyuun, waxaana ay ku sheegteen in ay tahay kharashkii ka galay muddada dheer ee ay hayeen dadkaan oo ay deymo badan ku galeen, iyaga oo ku doonaayey markii hore in ay helaan lacag ka badan 1 Milyan oo Dollar.

Afarta qof  ee xornimadoodi dib u haley ayaa maalintii shalay diyaarad  ay iska leedahay hayäadda QM laga saarey magaalada Gaalkacyo.

Gacanta Burcadbadeda Hobyo iyo Xaradheere ka hawlgeli jirtey waxaa ku harey badmaaxiin gaaraya 26 badmaax oo ay ku qabsadeen markab la dhihi jirey  FV Naham 3

Comments

comments

SHARE