Xawilaadaha Soomaalida ee Maraykanka oo la xiray

Waxaa albaabada loo xiray dhamaan xawilaadaha Soomaalida ee Maraykanka kaddib markii uu xisaabaadkoodii xidhay Bangiga lacagaha dibedda u xawili jiray.

Xawilaadaha ayaa horay u xirmay in ka badan boqolkiiba 80 markii la xiray xisaabaadkoodii.

Xawlaadaha inta harsanayd ayaa iyaguna loo qabtay 31-da bisha March ee inagu soo aadan, iyadoo xilligaasi kaddib la filayo in la xiro xisaabaadkooda.

Cabdicasiis Sugule oo ah gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawilaadaha Soomaaliyeed ee Maraykanka ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in golaha wakiillada uu go’aan ka soo saari doono arrintaasi.

Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in boqolkiiba 40 dadka ku nool Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin lacago laga soo xawilo dibedaha.

Comments

comments

SHARE