SOMALIA:Raysal Wasaare Cumar C/rashiid oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Britain ee Soomaaliya

170

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar C/rasiid Cali Sharmaake ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Britain u jooga dalka Soomaaliya Neil Wigan waxayna ka wada hadleen qodobo la xiriira arrimaha federaalka, doorashooyinka dalka 2016 iyo xoojinta xiriirka safaarada iyo xafiiska raysal wasaaraha.

Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii dowladda Britain u sii xoojin lahayd ka qayb qaadashada hirgelinta dhismayaasha maamulada federaalka ka mid noqonayo iyo sidii dalka uga dhici lahayd doorasho 2016.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Neil ayaa raysal wasaaraha ka balan qaaday qodobada ay ka wada hadleen sidii ay dowladiisa uga qayb qaadan lahayd, wuxuu sidoo kale balan qaaday wadashaqayn dhex marta xafiiska raysal wasaaraha iyo safaarada Britain.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii raysal wasaare Cumar C/rashiid uu ajandayaasha xukuumadiisa ugu hirgalaan sida uga haboon mudda u harsan dowladda federaalka taageerana uga helo beesha caalamka.

Source: Horseed Media

Comments

comments