Neymar Oo Aan Ku Faraxsanayn In Kulankii Elche Uu Tababare Luis Enrique Badal Ku Soo Saaro

903

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Neymar ayaa niyad jab ka muujiyay in tababare Luis Enrique uu kulankii xalay badal ku saaray.Neymar oo arintan ka hadlay ayaa yidhi: “Anigu ma jecli in ciyaarta badal la igaga soo saaro, waxaan jecelahay waa inaan ciyaaro”.

Neymar oo kooxdiisa u dhaliyay laba gool oo ka mid ahaa shantsa gool ee ay ku garaacday Elche ayaa markii daqiiqadii 66 aad la soo saaray ciyaarta si caajis ah oo gaabinaysa kaga soo baxay, wuxuuna muujiyay sida aanu ugu qanacsanayn in ciyaarta badal lagaga soo saaro.

Neymar ayaa doonayay inuu kulankan saddexley ka dhaliyo manuu rabin in ciyaarta laga saaro. Neymar ayaa xili ciyaareedan kooxdiisa u dhaliyay 16 gool oo tartamada oo dhan ah,wuxuuna haddaba ka goolal badan yahay intii uu dhaliyay xili ciyaareedkii hore oo dhan markaas oo uu kooxda u dhaliyay 15 gool.neymar1

 

Neymar oo xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku bilawday ayaa xulka qarankiisa iyo Barcelona udhaliyay 23 gool, wuxuuna ciyaaray 1,420 daqiiqaqo taas oo micnaheedu yahay inuu 88 kii daqiiqoba gool dhalinayay.

Iyadoo xidhiidhka Luis Enrique iyo Lionel Messi u noqday mid aan fiicnayn ayay haddana u muuqataa in aanu Neymar laftiisu ku qanancsanayn go’aanka macalinkiisa.

Comments

comments