Somalia:Khilaafkii Madaxweynaha Soomaaliya Iyo R/Wasaaradaha Oo Meel Adag Maraya Iyo Foosiya Xaaji Yuusuf Oo Cumar Cabdirashiid Nidar Ku Galay Inaanu Ku Soo Darayn Golaha Wasiirada.

218

iyadoo maalmahaani ay jireen hadal heyn ku saabsan Khilaaf ka dhex taagan Madaxweyne xassan Sheekh iyo R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar kaasi kaduwan,iyadoo la sheegay in khilaafkoodu ku salaysan yahay hebel wasiir ka dhig iyo ka dhigi maayo,waxaana wasiirada la isku haya ka mid ah Foosiya Xaaji Yuusuf oo hore mar loogu magacaabay wasaarada Arimaha dibada islamarkaana uu Xasan sheikh Maxamuud aad u doonaynayo doorkan in lagu soo daro goha wasiirada balse uu diidan yahay Cumar Cabdirashiid.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulan aan caadi aheyn ay Madaxtooyada Soomaaliya kuwada qaaten Madaxweynaha iyo R/wasaarah, iyadoona kulankaasi looga hadlay qaabka xal looga gaari lahaa Khilaafka.
Mas’uul ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in koow la’isku fahmi la’yahay tirada ay wasiiradda noqonayaan, waxaa xiga oo la’isku mari la’yahay dadka ka mid noqonaya golaha iyo waliba xilalka loo kala dhiibayo.
Khilaafk ayaa waxa uu ka bilowday Rabitaan uu Madaxweyne Xassan raba in Xukuumada cusub lagu dhex arko ilaa Lix Wasiir oo saaxiibo dhow la ah, waxaana taasi kasoo horjeeda R/wasaare Cumar, iyadoona Is fahan’waagaasi xal looga gaaray kulankii dhexmaray labada Mas’uul.
Khilaafka ayaa waxaa soo afjaray R/wasaaraha dalka oo isagoo ka caga jiidaaya Golaha Cusub kusoo biiriyay Wasiiro hore iyo tiro xildhibaano iyagu ka qeybqaatay Riditaanka Xukuumadii hore ee ku gacanseertay Kalsoonida Baarlamaanka.
Xildhibaano ay kamid yihiin Jeesow iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Madax kale oo horey Xilal uga soo qabtay Xukuumadihii hore ayaa kamid ah Liiska Golaha Wasiiradda Cusub oo Todobaadkan lagu dhawaaqayo.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan ayaa xiligaani aad ugu maqsuudsan in R/wasaare Cabdiweli uu qaato go’aan ay geesinimo ku jirto kaasi oo uu ku ogolaanayo in Golaha Wasiirada lagu soo daro Wasiiro iyo Xildhibaano saaxiib la ah Madaxweynaha.
waxa uu Cumar Cabdirashiid ka dhaartay inaanu Foosiya Xaaji Aadan ku soo darayn Xulka wasiirada oo uu soo wado isagoo Xasan Sheekh Maxamuudna dhinaciisa ku adkaysanayo inaan inantaasi laga tagin ee uu ka xigo dagaal iyo in la soo kala dhex galo hadana.

Comments

comments