Carlo Ancelotti Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Globe Soccer Ee Tababarihii Ugu Fiicnaa Sanadkan 2014 Ka

224

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa loo doortay inuu ahaa tababarihii ugu fiicnaa ee sanadkan 2014, wuxuuna Ancelotti ku guulaystay abaal marinta Globe Soccer ee tababarihii 2014 ka ugu fiicnaa.Xaflad ka dhacday Dubai ayaana Ancelotti lagu gudoonsiiyay baal marintan.

Ancelotti ayaa kooxda Real Madrid ka dhigay kooxda sanadkan 2014 aduunka ugu fiicnayd, wuxuuna kooxda u horseeday inay afar koob oo uu  ku jiro koobkii 10 aad ee Champions Leaque-ga  oo ay Madrid ku guulaysatay.

Ancelotti ayaa hore ula soo guulaystay kooxaha AC Milan oo Talyaani ah, Cheslea oo ree Ingriis ah iyo waliba kooxda PSG ee dalka France.Ancelotti ayaa kooxdiisa Mardrid ku hogaamiyay inay 22 kulan oo xidhiidh ah guulaysato.

Ancelotti ayaa abaal marintan kula tartamayay tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low oo xulka qarankiisa kula guulaystay koobkii aduunka ee Brazil lagu qabtay iyo Pep Guardiola oo Bayern Munich kula guulatay horyaalka Jarmalka iyo DFB-Pokal-ka.

Ancelotti  oo xaflad oo ka dhacday The Palm Hotel ee dalka Dubai ka hadalay ayaa yidhi: “Noloshu way sahlan tahay sababtoo ah waxaanu haysanaa ciyaaroy badan oo fiican, waxa kale oo aanu haysanaa shaqaale layaableh oo tababaraha Real Madrid ka dhiga mid waxkastaaba u sahlan yihiin marka la barbar dhigo kooxaha kale”.

Comments

comments