Somalia: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duuley dalka Masar

247

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi waheliya ayaa gelinkii dambe ee maanta ka duuley garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport Muqdisho iyagoo u duulay dalka Masar.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka ka sagootiyey afhayeenka baarlamaanka Pro Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tiran xafiiska Madaxweynaha iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Sisi sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys Isagoo xusay in labadan masuul ay kawada hadli doonaan xiriirka labada wadan.

Safarkan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku tago dalka Masar ayaa noqonay kii ugu horeeyey uu ku tago tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay Cabdifataax Sisi

Source: Horseed Media.

Comments

comments