Chile Oo Cashir Udhigtay Spain, Si Rasmi Ahna Ugusoo Baxday Wareega Labaad

356

Qeybtii hore ee ciyaarta, ciyaartoyda Chile ayaa kusoo gashay xamaasad uqalantay inay qabtaan hogaanka ciyaarta, halka Spain ay isku dayeysay inay dajiso ciyaarta si ay ula wareegto maamulka ciyaarta.

Fursaddi ugu horeesaba waxaa heshay Chile kadib 45 ilbiriqsi oo ay ciyaarta socotay, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus oo usoo dhaqaaqay gudaha diilinta ganaaxa, kubadi loobaasay Eduardo Vargas ayaa banaanka ubaxday kadib taakal lagu sameeyay.Goolhayeha Chile ayaa kubad qatar ah kabadbaadiyey Xabi alonso, daqiiqadii 15aad, waa fursadii ugu horeesay ee ay helaan kooxda heysato koobka adduunka, ciyaartase waxaa hogaanka si rasmi ah uqabtay xulka qaranka Chile, Eduardo Vargas ayaa hogaanka udhiibay daqiiqadii 20aad.23 Daqiiqo kadib, Chile ayaa labeesatay ciyaarta, laad xor ah oo loodhigay Chile waxaa usoo istaagay laacibka Barcelona Alexis Sanchez, Casillas ayaa kasoo tufay, waxaase si layaableh ugu celiyey shabaqana kuhubsaday Charles Aranguiz daqiiqadii 43aad.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay iyadoo hogaanka ay heyso Chile.Kaambiyadii labaad ee ciyaarta, La Roja ayaan ka faaideesan fursadihii ay heshay ciyaarta, Diego Costa iyo Bosquets ayaa heleen fursado ay ubadali kareen goolal, balse ma aysan saacidin nasiibka si gool ugu badalan fursadihii ay heleen.

Si lamid ah Chile ayaa heshay fursado ay hogaanka kusii dheereesan kartay, iyadoo si wacan uqaabeenayey weerarada rogaal celiska ah marka laga reebo dhameestirka fursidhii ay abuureen qeybtii danbe ee ciyaarta.

Goolhayeha Chile ayaa badbaadin qatar ah sameeyay daqiiqadii 83aad, kubad sameeyaha Spain Iniesta ayaa cagjaran labeegsaday xagasha shabaqa Chile, balse waxba natiijada ciyaarta kama badalin.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay Chile oo guul uga naxsatay Spain, waa guuldaradii labaad ee Spain, iyo guushii labaad ee Chile, La Roja ayaa horey guuldaro xanuun badan kala kulantay Netherland oo ladhibco ah Chile, halka kooxda danbe ay seddexda dhibcood hore ugasoo tirsatay Australia oo aan wax dhibco heysan si lamid ah Spain.

Comments

comments