JAAR AAN IS-RABIN

333

Magaalada hargeisi magaalo ahaan waata ugu weyn soomaliland uguna shacbiyada badan ,qabaa’ilka dagaa asalkoodii hore waxay ahaayeen reerguuraa iyo beeralay , dhaqanka magaalo ee isugu biyo shubanaya ( xaqiiqada ku hadalkeedu waa badawda xaalkeed ) marka loo kuurgalo waxay ahayd in dadka hargeisa loo aqoonsado jaar aan is-rabin . 


waayo ?
Waxay ku guul daraysteen siyaasada iyo maamulka hogaanka sarre ee dalka , ilaa intii la unkay soomaliland waxay dhaqan iyo ficil magaalo ku muujiyeen kala qeybsanaan xaga siyaasada ah ,qoladii hanyeelata inta kale ayaa ka ciideysa ,kasoo bilow doorashadii uu isu taagay eng maxamed xaashi cilmi wuu ku guuldaraystay sababo qabiil iyo jaar aan is-rabin ,eng faysal cali waraabe 90% codka beeshiisa ayuu helay jaarkiisana wuu ku hungoobay , xasan ciise jaamac hogaamintiisii xaqsoor 90% waxaa doortay reerkiisa , cali warancade haduu ku guuleysan lahaa gudoonkii udubna waxaa maragmadoon ah in uu heli lahaa codka reerkiisa uun ,magaalada burco si qabyaalada loo damiyo waxaa lagu ladhay laba magac oo xaalada ugasii daray ,sida galbeedka burco iyo bariga burco sida ay hargeisiba u tahay laba daamood , waraabaa layidhi foolxumidaa markaasuu yidhi oo walaalkay dhidar miyeydaan arag !! maxaynu kula yaabi reer hargeisa meel walba waxaa ka jira jaar aan israbin , dub aan kala tagsaneyn iyo damiir aan israbin , wuxuun baan maqli jiray wixii afka laqabtaa oofahay ka dilaacaan qaraxii ugu foosha xumaa ee qabyaaladeed wuxuu ahaa guuldaradii ciyaartoyda burco ugu kala jabeen habar-yoonis iyo habar-jeclo ,runtii waxay ahayd baroortu orgiga ka weyn oo wax ciyaartoyda kaweyn ayaa jiray oo ah siyaasiyiinta qaar bilaa damiira oo meheradoodu tahay qabyaalad iyo muusanaw afka baarkiisa ah oo ay ku ilaashadaan kuraastooda .
Sabankii xumaadaba ragbaa sahayda naaneyse wasiiradaa caruurta isku diray shacbiga reer soomaliland waaka marag ,gobolka iyo dhalinyaradana waxay u tahay cashar taariikhi ah oo burburiyey xulkii fardaha ee togdheer , guud ahaan sheekooyinkaas waxaa sal u ah jaar aan is-rabin ,dub aan kala tagsaneyn iyo damiir aan is rabin
Cuqdad iyo wixii tuhmad qaba looma caal helo
In colaatan loo wada hayuu ku cindiyoodaa
Ciyoon buu dudaa oo dhakhsaba waa wax cadho dhow’e
Iyadoon cidiba daarinbuu ciq iska siiyaa
Cudurkaaga raagaa qalbiga caalidh kugu reeb
(Ahmed sheekh jaamc) reer laas-caanood !!
Magaalada xamar sida taariikhda ku cad ilaa maalintii maxamed siyaad barre lafihiisa ugala cararay ilaa maanta laba beelood oo walaalo ah ayaa isku haysta ,ka madaxweyne noqda mooyee ka kale wuxuu gataa shaadhka mooryaanta iyo shamiiska dagaal oogaha , waa jaar aan is-rabin abgaal iyo habar-gidir,walaalaha majeerteen iyo mareexaan waxay u kala irdhoobeen kursi aan jirin macne ahaan magac ahaanse jira oo layidhaa kursiga raysal wasaaraha , soomaalidii kale ee xaqaa madaxweynaha iyo reysalwasaaraha wax kula haydna iyaguunbay kukala dhexjiraan meesha damiirka ayaa buka mayla socotaa !!!
Waa meesha abwaankuna ka leeyahay
(Inta maanku gaajaysanyahay guuli waa wali)
{Hadraawi}
Jaar aan is rabin waa soomaali aan is-rabin ,raran degemsan iyo dhuxul dambas huwan oo maalintii loo baahdo cadawga soomaalidu uu hurin karo ,waxaynu odhankarnaa qabyaaldu waa boog ur qadhmuun leh oo uurka kaga taal soomaaliyi meel ay joogaanba , jaar aan is-rabin waxaa ka beermay jamhuuriyado gacan ku rimis ah oon cago ku taagneyn (10 ) kii sanadood ee u dambeeyey waxaa koonfur soomaliya laga sameeyey ugu yaraan lix dawlad goboleed oo leh ujeedooyin kala duwan iyo dano is diidaya ,damac shisheeye danaysi siyaasi , damiir la,aan iyo wadaniyad xumo ,madaxweyneyaal dusha midabka aad soomaali moodid , oo geelooda lagu maalayo Nairobi iyo addis-ababa ,dablay beelkastaa ku sheegtay ciidan qaran oo darxumada ka muuqata iyo dacaska boodhka leh aad yaabto ,calan gaar ah iyo dastuur hoos ay kaga qoran tahay soomaliya ma rabno , lacag iyo passport dheega ay kaga taalo reer hebel waa dawlad dacayda lagu hogaamiyo iyo daneystayaal .
Adduunka uu maraykanku gadhwadeenka ka yahayna dawlad goboleed kasta wuxuu u yaboohay malaayiin doolar si loo hirgeliyo magaalooyin kala madaxbanaan iyo jaar aan is-rabin.
Tooda se noqon mayse waxay ku dambeyn ta alleh(swt) iyo rabitaanka wadaniyiinta soomaaliyeed.
Qorre : maxamed cismaan xaashi
Email :enghashi@hotmail.com

Comments

comments