Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taala Laascaanood Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

383

Laascanod (Wargane News)-Ku dhowaad 10 Qof oo ka mid ah Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa Waxyeelo kasoo gaadhay Dab qabsaday Goob shiidaal oo ku taal Bariga Magaalada Laascaanood.

Dadkan oo u badnaa kuwo kusoo xoomay goobta Gubanaysay oo ahayd Kaalin shiidaal ayaysan jirin ilaa hada wax dhimasho ah oo la xaqiijiyey balse waxaa soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan. Goobta Khasaaraha Maaliyadeed ee Lixaadka leh soo gaadhay ayaa Waxaa iska lahaa Ilmo Cabdi Badhi waxaana lagu magacaabi jiray TOGSOOL. Goobtan gubatay ayaa si rasmi ah loo hayn sababta Dhalisay Dabkaasi iyo waliba inta ruux ee Waxyeelo Kasoo Gaadhay. 

 

Comments

comments