Hal Qof Oo Ku Dhawaacmay Qarax Ka Dhacay Hargaysa.

263

Hargaysa(Wargane News)-Hal Qof Oo Rayid Ah Ayaa Ku Dhawaacmay Qarax  Ka Dhacay Meel U Dhaxaysa Maktabada Masaarida Iyo Wasaarada Cadaalada. Qaraxan Ayaa Ahaa Mid Wadada Agteeda La Dhigay Waxaana Qaraxaasi Dhaawac Ka Soo Gaadhay Nin Baabuur Watay Oo Goobtaasi Marayey.

Lama  Oga Cida Dhabta Ah Ee Qaraxan Ka Dambaysay Balse Qaabka Qaraxani U Dhacay Waxa Uu U Eeg Yahay Mid Xidhiidh La Leh Qaraxyo Laba Habeen Oo Is Xigay Ka Dhacay  Magaalada Hargaysa Kuwaas Oo Loo Adeegsaday Caagad Waxyaabo Qarxya Lagu Soo Guray Kuwaas Oo Aan Gaysan Wax Dhib Ah. Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Ka Hadlay Xaalada Amaanka Iyo Khilaafka Xisbiga Kulmiye Oo Qaraxyadan Loo Aanayn Karro Ayaa Waxa Isaga Oo Ka Hadlaya Dhinaca Amaanka Waxa Uu Yidhi. “Nabadgelyadu Waa Shay Ku Qaaliya Umada Reer Somaliland, Waxay Usoo Mareen Dariiq Dheer, Waxaynu Umad Ahaan Ku Difaacnaa Inagoo Isku Duuban, Waxaynu Feejigo U Lahayn, Oo Iska Illaali Naynay, Cadaw Meel Fog Inooga Yimaada, Waxaase Ayaan Daro Ah, In Kuwii Aan Ammaanka U Diray Iyo Kuwii Damaca Lahaa, Ee Dalkan Inay Xukumaan Doonayey, Laga Soo Sheego Waxyaalo Ammaanka Kulidi Ah, Iyo Inay Isku Dayaan In Ay Qarankan Khalkhal Geliyaan. Waxaan Leeyahay Qarankan Anigaa Masuuliyada 1aad Iga Saarantahay, Umma Dulqaadanayo Mana Aqbalayo Cidna Gorgortan Kala Gelimaayo Ammaanka Iyo Xasiloonida Dalka. Waxaan Ku Qaban Doonaa Gacan Adag, Waxaan La Tiigsan Doonaa Sharciga, Aniga Iyo Shacbiguba Ma Nihin Kuwii Shaanida Lagu Baqo Gelinlahaa”.

Goob Qaraxani ka dhacay ayaa U Dhaw Xarunta Qasriga Madaxtoonyada Somaliland.

Wixii Warar Ka Soo Kordha Kala Soco

Comments

comments