Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Loo Guutay Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka

347

Hargeysa (Wargane News)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada aqal ee Wakiiladda iyo Guurtida waxa uu ka hor jeediyay khudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa.

Fadhigan oo ka qabsoomay xarunta Golaha Guurtida waxa uu gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, waxaana ka soo xaadiray 105 Xildhibaan oo ka mid ah 164-ta Xildhibaan ee labada gole ka kooban yihiin.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbadiisa kaga hadlay qoddobo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyadda ammaanka, siyaasadda dibadda, dhaqaalaha iyo horumarka ay xukuumaddu ka samaysay adeegyadda bulshadda.
Khudbadaasi oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-

“Shirgudoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Labada Gole, Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, Marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda, waxan idinku salaamaya salaanta islaamka:

“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.

Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, meelkasta oo ay joogaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 4aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo khudbad sannadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, waxaanan khudbadayda kaga hadlayaa warbixinta sannadkii tegey iyo Qorshaha Xukuumadda ee sannadka cusub, iyada oo aan si gaar ahna ugu tilmaamo wixii xaalad daruuri ah in laga waramo.

Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan. Labaatankaa sannadood ee ay Somaliland jirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland, waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaan jecelahay in aan sannadkan warbixintayda ku saleeyo heerka aynu ka joogno dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, Siyaasadda iyo adeegyada bulshada.

Waxaana hubaal ah in maanta Somaliland marayso meel aan indhaha laga qarsan-karin, iyadoo buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Waxaase jirta in cadawga Somaliland ku hawlanyahay hagardaamooyin uu ku waxyeelaynayo himilada umadeena oo ah Dawladnimo iyo Qaran cagihiisa ku taagan oo beesha caalamka ka mid ah.

Warbixinta Xukuumada

Ballanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay. Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa qiyaas ahaan %85 ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12 gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.

1.Nabadgelyada:

Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha aadamaha, waana halbawlaha dal ku tamariyo ee aanu la’aanteed jiri-karin amase aanu horumar higsan-karin, haddii aan nabadgelyo jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican.

Waxaanay nabadgelyadu ku dhisantahay dedaalka Ciidamada ammaanka, soo jeedka iyo feejignaanta bulshada iyo tacabka iyo joogtaynta ay ciidammada qaranku ugu jiraan heeganka illaalinta dalka iyo dadka.

Sida aad wada dareensan-tihiin, waxa jira cadow badan, oo u quudhiwaa iyo xiqdi dartii, doonaya inay wiiqaan degenaanshaha, dimoqraadiyadda iyo horumarka aynu ku talaabsanay, iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. Waxa hubaal ah in aanu cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan karin, haddii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.

Anagoo ku dedaalayna sidii aan kor ugu qaadi lahayn tayada, tababarka, dhaqaalaha iyo mooraalka Ciidanka, waxaanu kordhinay mushaharooyinkii, waxaanu siinay Derajooyinkii, waxaanu u samaynay Kulliyado iyo Dugsiyo-tababar oo aqoontooda kor loogu qaado. Sidoo kale, waxaanu idiin soo gudbinay shuruucdii ay ku shaqayn lahayeen (Xeerka Sirdoonka Qaraka, Xeerka Booliiska iyo Xeerka La-dagaalanka Argagixisada). Waxaanan idinka codsanayaa in aad gacan naga siisaan.

2.Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta:

Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.

Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.

Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.

3.Waxbarashada iyo Caafimaadka:

Waxbarashada iyo caafimaadku waa labo shay oo aan kala maarmin kuwaas oo saldhig u ah nolosheena, waa waxa bulshooyinka dunidu ku kala horeeyo ama isku dhaafo taas oo eynu la’aantood qiimo yeelan karin.

Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah oo ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Somaliland, angoo ogsoon in dhammaan muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, tayo leh ayaan tacab badan gelinay waxbarashada.

Dawladdaydu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha. Waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baadhista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Somaliland. Waxaana xaqiiqo ah in maanta waxbarashadu ay marayso meel fiican oo aynu ka horayno dalal badan oo Africa ku yaalla.

Waxaad wada ogtihiin muhiimada caafimaadka iyo fayadhawrku dadka u leeyahay, anagoo ogsoon xilka iyo waajibaadka naga saaran umaddayada, waxaanu caafimaadka ka qabanay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawl-wadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa.

Iyadoo aanu dedaal badan gelinay caafimaadka guud ahaan, waxaan si gaar ah ula tacaalay xanuunka HIV/AIDs oo dunida faro-xun ku haya, “dabcan inaguna dunida ayuun baynu ka mid nahay”.

Xukuumadaydu waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkan wax looga qaban karo, Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan “marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay” iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaanu si buuxda isu barbar-taagnay Komishanka qaranka u qaabilsan hawshan. Markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha.

waxaan Miisaaniyada qaranka ugu daray taageero maaliyadeed anigoo baaqna u diray bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynu u cidhibtiri-lahayn xanuunkan.

4.Xoolaha iyo Illaalinta Deegaanka:

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.

Waxaana Wasaaradda iyo hawl-wadeenadeedu dedaal badan geliyeen caafimaadinta Xoolaha, waxaana la daweeyey in ka badan 12,000,000 oo adhiya 1,500,000 oo Geel ah iyo 1,500,000 ka badan Lo’ ah. In kastoo tacabkaa la geliyey, haddana waxaa jirtay labo markab oo geel ah oo laynagu soo celiyey kuwaas oo markii la baadhay laga helay %2, dhibtuna waxay noqotay 40 neef oo geel ah.

Iyadoo xooluhu muhiimadaas leeyihiin ayaa waxaa ka muuqda dayac iyo dedaal la’aan taasoo deegaanadii xooluhu daaqayeen weerar badan lagu hayo iyadoo aad maqasheen tuulooyin, Oodo iyo xidhmooyin dhulkii xooluhu daaqayeen lagu xayiray. Waxaan labada gole ka codsanayaa in aad arrintaa gacan naga siiyaan, xeerka hortiina yaala ee Illaalinta Deegaanka idinkoo waajibkiina sharci ka gudanaya aad dedejisaan si ay noogu suurtagasho illaalinta iyo xakamaynta deegaanka.

5.Waddooyinka:

Wadooyinku waxay muhiim u yihiin dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha, isku xidhka gobolada iyo Degmooyinka, waana lafdhabarta horumarka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna waxaanu dayactir balaadhan ku samaynay waddada Hargaysa–Berbera, waxaa la dhameeyey Wadada Boorama, waxaanu dhawaan xadhiga ka jaray Waddada Wajaale, sidoo kale waxaa la bilaabay waddadii Ceerigaabo.

Sanduuqa Somaliland Development Fund waxaa laga bixinayaa kharashka dhamaystirka Wadada Berbera ee Xamaas illaa Sheekh oo ay ku bixi doonto $4 Million oo U.S Dollar iyo Waddada Kala-baydh illaa Dilla oo loo qorsheeyey $2 Million oo U.S Dollar.

6.Horumarinta Madaarada iyo Dekedaha:

Maddaarada iyo dekeduhu waa albaaka laga soo galo dalka, waana xidhiidhka waddamada iyo dariiqa ganacsi ee sahla macaamilka nololeed ee ina dhexmaraya dalalka caalamka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna, waxaan u hawl-galay sidii loo dhisi lahaa Madaarada Caasimada Hargeysa iyo Berbera, waxaana socota dhismaha lagu dheeraynayo Dhabaha diyaaaradaha ee Caasimada, kaasoo marka uu dhamaado noqon doona Madaar ay nooc-kasta oo diyaaradeed kasoo degi karto.

Dekedda Berbera oo ah marsada ugu muhiimsan dekedaha geeska taasoo leh waxyaalo dabiici ah oo ay dheertahay dekedo badan, waxaanu muddo ku hawlanayn sidii loogu heli lahaa maalgelin iyo dhaqaale lagu horumariyo si ay u noqoto deked soo jiidata, qayb-libaaxna ka qaadato xarakada ganacsi ee mandaqada (World Class Facility). Waxaa wada hadallo noo socdaan shirkado badan oo ay ugu mudantahay shirkad Faransiis ah oo lagu magacaabo Bollore.

Horumar-badan ayaa dalka ka socda, “Cudurku waa soo boodaa, Caafimaadkuna aayar aayar ayuu u yimaadaa”, waxyaalaha badan ee la qabtay iyo inta socotaa cayaar kuma iman ee waxaa la geliyey deddaal iyo tacab. Haddii aynu yara milicsano maanta iyo maalintii aan xukunka la wareegay waxaa kuu soo baxaya faraq aad u badan, tusaale:

• Askarigu wuxuu qaadan jiray mushahar: SL.SH/=265,200 taasoo u dhiganta ($44)
• Maanta wuxuu qaataa mushahar: SL.SH/=636,000 + Gunnada Derjada taasoo u dhiganta ($106 + Gunnada Derajada)
• Wasiirku wuxuu qaadanayey: SL.SH/=4,800,000 taasoo u dhiganta ($800)
• Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=14,100,000 taasoo u dhiganta $2,350
• Garsooruhu wuxuu qaadanayey: SL.SH/=2,097800 taasoo u dhiganta $349.6
• Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=8,100,000 taasoo u dhiganta $1,350
• Xildhibaanada Golayaashani waxay qaadanayeen: $421 (SL.SH/=2,526,000)
• Maantana waxay qaataan: (SL.SH/=8,125,000) taasoo u dhiganta $1,354

Waxaan shaki ku jirin in Xukuumadani tahay Xukuumadii Horumarka iyadoo aanu qabanay wax badan, balse qabyada iyo baahida dalka ka jirta ayaa ka badan, waxbase kala hadhimayno intii awoodi noo saamaxdo.

Waxaa Sannadkan 2014-ka noo qorshaysan dhamaystirka mashaariicda faraha badan ee socota, Xoojinta Ammaanka iyo Fidinta maamulka, Diwaangelinta Muwaadinka, Kor u qaadidada Adeegyada Caddaalada iyo Horumarinta Xeebaha iyo khayraadka badda.

Ammaanka iyo Fidinta Maamulka: Waa ogtihiin oo Ciidamadu waxay joogaan duleedka Taleex oo u dhow xuduudka Somaliland, Wasiirkii Caafimaadku wuxu joogaa Buuhoodle, waxaanu ka wadaa horumar iyo maamul fidin. Xagga Laasqoray iyo Barina waxa ka socdaa dedaallo.

Horumar kasta waxaa aasaas u ah nabadgelyada, waxa aan shacbiga JSL ku boorinayaa in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara xasilloonida aynu muddadaa badan ku soo caano-maallay.

Diwaangelinta muwaadinku: waxay salka ku haysaa in la sugo muwaadinkasta oo xaq u yeeshay muwaadinimo, laguna yeeshay waajibaadka iyo xuquuqda ka laasimaysa muwaadin Somaliland u dhashay, waxaana saldhig u ah Dastuurka JSL iyo xeerarkii golayaashani ay dejiyeen oo ay ka mid yihiin Xeerka Jinsiyadda iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, iyo Xeer-nidaamiyayaasha Diiwaangelinta muwaadinka ee aan Xeer Madaxweyne ku soo saaray.

Cadaaladda iyo Garsoorka: Waxaanu hore u qaadanay tallaabooyin badan oo aanu ku taageerayno, dhiirigelinayno kuna kobcinayno bahda garsoorka iyo cadaaladda. Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba xooga saaridoonaa xoojinta iyo ka midhadhalinta garsoorka iyo cadaaladda, kana daalimayno illaa inta bulshadu helayso adeegii loo baahnaa.

Horumarinta Xeebaha: Waxaad dhamaan ka warhaysaan safarkii dheeraa ee aan ku soo maray dhamaan xeebaha Somaliland si aan u ogaado duruufaha nololeed ee bulshada, si aan ugu kuurgalo waxna uga ogaanno qaabkii loo horumarin-lahaa loogana faa’iidaysan lahaa xeebaheena iyo khayraadka ku duugan. Sannadkan waxaanu samayn doonaa daraasad dhamaystiran oo ku wajahan horumarinta xeebaha iyo khayraadka badda. Waxaanan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga-ahba ugu baaqayaa in xooga la saaro horumarina xeebaha.

Gebogebadii

Culimada
Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin-habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

Anigoo xoojinaya doorka culimadu ku leedahay bulshada iyo illaalinta dawladnimada, anigoo ogsoon in culimadu yihiin birma-gaydo, isla markaana ka shidaal-qaadanaya Dastuurka Qodobkiisa 115 illaa 121, waxaan soo saari-doonaa Guddiga Culimada ee Dastuuriga ah.
Beesha Caalamka
Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda, argagaxisada iyo deegaan-dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aayo ka tashiga madax-banaanidooda. Sidoo kale, waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qayb-qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Haweenka: Waxaan hore labo-jeer idiinku soo gudbiyey kootadii haweenka, anigoo qadarinaya qiimaha ay haweenku bulshada u leeyihiin iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaan mar saddexaad idinka codsanayaa in golaha la horkeeno oo aad ka gudataan waajibkiina dastuuriga ah.

Dhamaan Golayaasha Qaranka, Qurbajooga Somaliland iyo guud ahaanba bulshda reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in si mug leh loogu diyaargaroobo xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May.

Aad baa u mahadsantihiin Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu.”

Comments

comments